Madaxweynaha Puntland oo ka digay in si khaldan looga faa’iideysto khilaafka kala dhaxeeya ku xigeenkiisa

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xalay jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa caawa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, qorsheyaasha dhinaca horumarka ah ee socda , hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo si wanaagsan u socota, xaaladda covid-19 ee Puntland iyo goáankii todobaadkan kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ee ku saabsana arrimaha Doorashada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka digey in si khaldan looga faa’iideysto kala aragti duwanaan u dhexeysa
Madaxda Sare ee Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media