Madaxweynaha Puntland oo isbedel ku sameeyay Madaxda Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

Madaxweynaha  Puntland  Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isku shaadheen waxa uu ka sameeyay Masuuliyiinta Maxakmada Ciidamada Qalabka sida ee Gobalada Puntland .

Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Gobalka Mudug waxaa loo wareejinayaan Gobalka Nugaal halka Maxkmada Gobalka Nugaalna loo wareejiyay Gobalka Bari waxaana Maxkmada Gobalka Bari loo soo wareejinayaan Gobalka Mudug

Gudoomiyihii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland Cabdifitaax xaaji Aadan ayaa xilkii laga qaaday iyadoona Sarkaal ka tirsan Maxkamada Sare xilkaas loo magacaabay

Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada Puntland oo xil ka qaadistaasi lagu sameeyay ayaa Warbaahinta u sheegay in uu soo dhaweynayo xilka qaadista lagu sameeyay.

Cabdifitaax Xaaji aadan ayaa waxaa laga dhigay Garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Puntland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media