War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi la socda u ambabaxeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Deni iyo Wafdiga la socday ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,iyagoona kusii jeeda Kismaayo.
Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisa ku wehliya qaar kamid ah Senatarada Baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaana Cabdiraxmaan Faroole oo ay diyaaradda ka qaaday magaalada Garoowe.
Siciid Deni ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka diiday in uu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland,kadib markii uu kulan la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiinta la socda ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.