Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyey Maxaabiis badan + sababta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Isniin ah soo saaray Go’aan ku saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey Maxaabiis badan oo ka mid ah  maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa Cafis guud uu ugu fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland, sababo la xirira Bisha Ramadaan iyo xaaladda COVID-19

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaa u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor