Madaxweynaha Puntland ku wajahan mid kamid ah dalalka Afrika iyo Ujeedka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in Maanta uu safar uga ambabaxo Magaalada Garoowe, isagoo kusii jeeda Magaalada Addis  Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Warar la helayo ayaa sheegaya safarka Madaxweynaha Puntland ee Addis Ababa uu yahay mid la xiriira Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo wax soo-saarka Khudaarta.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Ganacsato.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo kaga sii gudbiyay Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula kulmay Madax ka tirsan Imaaraadka iyo xubno kale.

Madaxweyne Deni ayaaa shalay si rasmi ah u furay kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland, isla markaana halkaas ka jeediyay Khudbado uu uga hadlay Arrimo kala duwan iyo heshiiska sanadkii 2017-kii Puntland ka gashay Shirkadda DP-WORLD.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media