Madaxweynaha Pakistan oo si kulul uga hadlay xasuuq Yuhuuddu ku hayso shacab Falastiin

Madaxweynaha dalka Pakistaan Caarif Calawi ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Falastiin in ay yihiin xadgudub iyo arxan darro ay sameyneyso Israa’il.

Madaxweynaha Pakistaan ayaa sheegay in israa’iil xasuuq ku hayso shacab Falastiin oo ay rabto inay dhulkooda ka barakiciso.

 

“Waxa ka socda Falastiin ma ahan dagaal u dhaxeeya laba dhinac oo iska soo horjeeda ee waa xadgudub ka socda hal dhinac, ayuu yiri madaweyane Caarif Calawi”.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dhulka Falastiin la xorayn doono.

Tan iyo Isniintii hore , waxay Israa’iil duqayn ku dishay 181 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 52 carruur  iyo 31 haween ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor