• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun casri ah oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya+Sawirro

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 13, 2015
in Warar
Reading Time: 12 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya.

Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka.

“Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbaley dalabkeena’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ay Isutagga Imaaraadka Carabta kala hadleyso mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo la shaacin doono marka la isku afgarto qaabka loo fulinayo.

Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku faraxsan tahay inay kaalin ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, gargaarka aadminimo, dib u dhiska kaabeysaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Waxaa uu danjiraha intaa ku darey in barnaamijyadaasi la labanlaabi doono, laguna baahinayo dhammaan gobollada dalka.

Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa barbar-socotey qalinjebinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey.
Dhalinyarada uu tababarka u dhammaadey ayaa halkaasi ku soo bandhigey qaar ka mid ah xirfadaha casriga ah ee ay barteen.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, saraakiisha ciidammada, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email:[email protected]

IB0A7289

IB0A7291

IB0A7344

IB0A7485

IB0A7446

IB0A7551

IB0A7385

IB0A7395

IB0A7378

IB0A7533

IB0A7586

IB0A7955

IB0A7527

IB0A7993

IB0A8137
Previous Post

Dhageyso: Bar Xulashada Ciyaraha ee Radio 12-05-2015

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Barnaamijka isku dhafka ciidammada waa ajenda qaran oo looga gol leeyahay mideynta shacabka’’

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Next Post

Madaxweynaha: ‘’Barnaamijka isku dhafka ciidammada waa ajenda qaran oo looga gol leeyahay mideynta shacabka’’

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

by Liban
May 24, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia’s Minister of Defence, Ambassador Ahmed Moallim Fiqi, on Friday chaired the monthly meeting...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu...

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

by Ilhaan
May 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay kulammo gaar-gaar ah kula yeeshay...

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
English News

Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
Warar

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho
Warar

Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties
English News

Somalia’s Finance Minister Visits New Embassy in Algeria Amid Strengthening Bilateral Ties

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody
English News

Knife Attack in Hamburg Injures 12, Suspect in Custody

May 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Defence Minister Chairs High-Level Stabilization Coordination Committee Meeting
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasilinta
  • Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka
  • Ra’iisul Wasaareyaashii Hore oo ka shiraya xaaladda dalka, kulan ka dhacay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00