Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay wafdi ka socday Jermalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Jermalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in  dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya, xilligaanna ay aad uga muhiimsan tahay marxaladihii la soo maray.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay  Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.

Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

Kulanka waxaa joogey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Hadliye Cumar iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Ambassador Cali Fiqi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media