Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

header 2

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Cadaado, 14 Abriil 2015, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda argagixsadu maanta ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.

Madaxweynuhu wuxuu dhambaal tacsi ah u diray dhammaan qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa iyo askartii maanta ku geeriyooday weerarka. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u rajeeyay dadka dhaawaca ah in Ilaaheey u bogsiiyo si dhakhsa leh.

Wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyay ciidammada amniga ee Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM oo si geesinnimo leh u daafacay shacabka Soomaaliyeed kana hor istaagay kooxda argag-gixisada ahi in ay ku guuleysato danaheeda gurracan.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in weerarka ay Shabaab ku qaadday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta oo qaabbilsan waxbarashada iyo tarbiyada ubadka Soomaaliyeed uu astaan u yahay sida ay kooxdani u marin habowsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Cadaado, wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan tabaha kooxdan marin habowsan isla markaana ay iska kaashadaan, dowladda ay gacan ka siiyaan si Soomaaliya uga gudubto weerarrada lagu gumaadayo shacabka loogana hor istaagayo horumarka.

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor