HomeWararMadaxweynaha oo ku baaqay in Hab Dimuqraadi ah lagu soo gebagebeeyo Nidaamka...

Madaxweynaha oo ku baaqay in Hab Dimuqraadi ah lagu soo gebagebeeyo Nidaamka Doorashooyinka soo socda.

Date:

Related stories

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay ka qeyb galay Kulan ay Danjirayaasha ku yeesheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, wuxuuna xusay inay Dadka Soomaalida cod-bixinta aadi doonaan bisha August ee soo socoto.

“Dadka Soomaalida waxay bisha August aadi doonaan goobaha Cod-bixinta, iyadoo ay dhacayso Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Barlamaanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Waddo Dimuqraadi ah loo maro si loo soo dhamaystiro Qaabka Doorashooyinka.

Madaxweynaha waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan wax daryeel ah siin doonin Xisbiga ku guuleysta Doorashadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilli-hawleedkiisa ka harsan tahay dhowr bilood waxa uu tilmaamay in dadka ku guuleysan doona Doorashadda soo socota noqon doonaan Dad Soomaali ah.

Madaxweynaha oo Talada dalka hayey tan iyo sannadkii 2012-kii, waxa uu Toddobaadkii hore sheegay inuu yahay Musharax mar kale u tartami doona Xilka Madaxweynenimadda Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Musharixiin kale oo miisaan xooggan ku leh Masraxa Siyaasadda Somalia, kuwaasi oo u muuqda inay loodin doonaan Hanka Madaxweyne Xasan Sheekh ka qabo inuu mar Labaad muddo 4 sanno sii hayo Majaraha Madaxtinimadda Somalia.

Doorashadii Madaxtinimadda Somalia ee dhacday bishii September 10-dii ee sannadkii 2012-kii, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh si dirqi ah Wareegii ugu dambeeyey kaga guuleystay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Guddoomiye u yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP oo la aasaasay muddo haatan laga joogo 4-sanno, iyadoo Xisbigaasi dadaal ballaaran u galay Ololihii Doorashadda ee uu Madaxweynuhu ku guuleystay sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories