HomeWararMadaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo. ‘’Innaa Lillahi wa Inaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo.

‘’Innaa Lillahi wa Inaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo dalkan xilal kala duwan ugu soo adeegay. Waxaan marxuumka ku tilmaami karaa shakhsi dhismihii hay’adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa’’.

- Advertisement -

Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaa uu ahaa siyaasi, aqoonyahan iyo shakhsi nabadda u ololeeya. Waxaa uu kaalin muuqata ka soo qaatey warbaahinta Soomaaliya, isagoo mar noqdey Agaasimaha Raadiyihii Qaranka, marna ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Marxuumka waxaa u ka dhex muuqday dadaaladii dib u heshiisiinta iyo dib u yagleeliddii qarannimadii Soomaaliya, waxaana ilaa inta ay geerida uga timaaddo uu ku lug lahaa hawlo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii bulshada ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka baxay ummadda Soomaaliyeed, una soo dhabar adeygey xaaladihii adkaa ee waddanka ka jiray, waxaana uu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

- Advertisement -

———————————-DHAMMAAD————————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts