Madaxweynaha oo furey shirka Madasha Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland uga furey shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadli doono waxaa ka mid ah Hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, qeybsiga kheyraadka, xal u helista dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale.

Madasha wadatashiga ayaa sidoo kale waxay dhinacyada ka qeybgalaya ku gorfeyn doonaan arrimo kale oo la xiriira dib u dhiska Soomaaliyada cusub, xiliyadii adkaa ee la soo marey kadib.

Shirkan labaad ee madasha wadatashiga waxaa uu daba joogaa shirkii 1aad ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo ee sannadkan, kadib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka uu martiqaadey madaxda maamulada si looga wadatashto aayaha Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor