Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtey, kadib Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigii uu hooggaaminayey ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka, ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda dalka, dhinacyada siyaasadda , amniga iyo hannaanka doorashooyinka dhici doona sannadkan 2016-ka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha intii uu joogay Addis Ababa guddoomiyay, shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Heeganka ee Bariga Afrika, iyadoo kulankaasina looga hadlayey xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Kulamadii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynuhu la qaatay madaxda caalamka intii uu socday Shir Madaxeedka Midowga Afrika, waxaa ka mid ah kuwo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyna Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole.

—- DHAMMAAD——

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor