HomeWararMadaxweynaha oo ballan qaaday Tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ballan qaaday Tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Xaflad Casho ah oo uu xubno Suxufiyiin ah xalay ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee magaalladdan Muqdisho. Madaxweynaha waxa uu mar kale Suxufiyiinta u ballan qaaday inay Dowladda Federalka qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu dhamaynayo Dembiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta, Iiyadoo maanta loo dabaal degayo  Maalinta Caalamiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Xaflad Casho ah oo uu xubno Suxufiyiin ah xalay ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee magaalladdan Muqdisho.

Madaxweynaha waxa uu mar kale Suxufiyiinta u ballan qaaday inay Dowladda Federalka qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu dhamaynayo Dembiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta, Iiyadoo maanta loo dabaal degayo  Maalinta Caalamiga ee Ka-hortagga Dembiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta Caalamka.

- Advertisement -

Madaxweynuhu waxa uu Suxufiyiinta Soomaalida ku bogaadiyey Hawsha ay u hayaan Ummadda, wuxuuna xusay inay yihiin Geesiyayaal Qaran.

“Waxaan sii wadi doona sidii loo xaqiijin lahaa Xiriirka iyo wada-shaqynta u dhexeeya Hay’adaha Ammaanka iyo Xarumaha Warbaahinta” ayuu yiri Madaxweynaha oo garowshiyo ka muujiyey Cabashadda Taagan ee Bahda Warbaahinta.

Waxa uu intaasi ku daray inay Wasaaradda Warfaafinta diyaarisay Tababaro lau dhisayo Awoodaha Suxufiyiinta Soomaalida iyo Ciiddanka Ammaanka.

- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale uu sheegay inuu saxiixay Dekereetadda Sharciga Warbaahinta, isla markaana uu rajeynayo in la helo Gole Warbaahineed oo Madax-bannaan oo Mas’uul ah, oo dhaqaajin kara Wershadda Warbaahinta Somalia iyo inuu dalku yeesho Nidaam Saxaafad Madax-bannaan.

Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Qoddobka Article 18-aad ee Xorriyadda Hadalka ee tilmaamayo inuu qof kasta uu xaq u leeyahay inuu cabiro Ra’yigiisa iyo inay heleen meel ay  Warbaahin Ra’yigooda ku gudbin karaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maahir Jaamac Aadan iyo Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka hadlay Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay xubno ka tirsan Suxufiyiinta waxay Madaxweynaha la wadaageen Walaaca ay qabaan Suxufiyiinta, waxayna u gudbiyeen Aaraa ku aadan Kaalinta Dowladda Federalka ka qaadan karto Badbaadinta Suxufiyiinta iyo in kuwa dhibaateeyo Suxufiyiinta lala xisaabtamo, lana joojiyo Tacadiyadda ka dhanka ah Suxufiyiinta.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts