Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Kulan Khaas ah la qaatay Ra’isul-wasaarihiisa iyo Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Difaaca, Sirdoonka iyo Saraakiil kale, oo looga hadlay Deganaanshaha iyo Ammaanka Masar.
Waxa uu ku amray Xukuumadiisa inay qaadaan dhamaan Tallaabo kasta oo lama huraan ah si dib u dejin loogu sameeyo Kirishtaanka Masaarida ee ka soo cararayo Waqooyiga Siinaay.
Kooxda Dacaish ayaa la sheegay inay 7 xubnood oo ka tirsan Bulshadda Kirishtaanka ku dileen Degmadda Cariish, iyadoo 5 ka mid ah toogasho lagu ddilay, halka mid surka laga jaray, midna nolosha lagu gubay.
Boqolaal Qoysas iyo Arday Kirishtaan ah ayaa ka soo baxsaday magaalladda Ismaaciiliyah, iyagoo ka baqanaya Weeraradda Kooxda Daacish ku beegsanayaan dadka Kirishtaanka.
©Radio Dalsan