Madaxweynaha Mareykanka Biden oo la shaaciyey in laga helay Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka oo qafiif ah,” islamarkaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona Aqalka Cad.

“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,” ayaa lagu yiri war-saxaadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor