Madaxweynaha Maraykanka iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga oo Kulan yeelan doona.

Sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA, Ku-xigeenka Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, ahna Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta u ambabaxay dalka Maraykanka, si uu Kulan ula soo yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Waa Kulankii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Donald Trump la yeesho Wiilka awoodda badan ku leh Saldanada Sacuudiga ee u udhalay Boqor Salmaan Bin C/casiis.

Labada Mas’uul ayaa la filayaa inay Kulan yeeshaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta Xiriirka Labada Wadan, Maalgashiga,  Xiisadaha Gobalka iyo arrimo kale.

Dhinaca kale, Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa isagana booqasho ku maraya dalka Japan, taasi oo qeyb ka ah Booqasho muddo bil ah oo uu ku marayo dalal ku yaalla Qaaradda Asia, oo lagu dhisayo Xiriirka Sacuudiga la leeyahay Caalamka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media