Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, ahna Musharax Madaxweyne ayaa ku guuleystay inuu Xildhibaanadda Maamulkiisa ee ka tirsan Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda ku qanciyo inay si mideysan u wajahan Doorashada Madaxtinimadda Somalia ee la shaaciyey in la qaban doono bishan December 28-da.
Siyaasi ka tirsan Maamulka K/galbeed oo xogtan u soo dusiyey Radio Dalsan ayaa sheegay inuu Shariif Xasan doonayo inuu raaco Tubtii Ololaha Doorashadda ee uu ku soo baxay Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump oo ah Ganacsade milyooneer ah.
Madaxweyne Shariif Xasan oo ah Ganacsade iyo Siyaasi ayaa galangal badan ugu jira sidii uu ugu guuleysan lahaa Doorashadaasi, una kasban lahaa Codadka ugu badan ee Xildhibaanadda Aqalka Hoose.
Ilo-wareedka ayaa sheegayo inuu Madaxweyne Shariif Xasan sameeyey Shabakadda Isku-xirka ee Whatapp Group, si ay isaga iyo Xildhibaanadda Maamulkiisa iyo kuwa ay jaalka yihiin ee ka tirsan Aqalka Hoose ee Barlamaanka u wadaagi lahaayeen Xogaha ku aadan Ololaha Doorashadda Madaxweynaha, gaar ahaan Xilliga ay dhacayso Cod-bixintaasi.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Juhdi badan geliyey si ay isaga iyo Xildhibaanadda uu ka filanayo Codadka ugu kala war qaataan iyo inay isku dhaafsadaan Ballanqaadyadda Dhaqaale iyo Xilal, taasi oo asaas u ah Xeer-jajabka Cod-bixiyayaasha.
Si kastaba ha ahaatee, U Adeegsiga Shabakadaha Isku-xirka Bulshadda (Social Media), gaar ahaan Whatsapp Guoup Waa Xeellad ku cusub Nidaamka Doorashadda Somalia, mana kala cadda inay Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban ku baraarugsn yihiin Xeelladaasi, iyadoo aad loo hadal-hayo in Nidaamkaas loo adeegsaday Cod-bixintii musuqa badan hareeyey ee ay Musharixiinta Maamul-gobaleedyadda ee lagu soo doortay Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
©Radio Dalsan