HomeWararMadaxweynaha la-doortay ee Maraykanka oo sheegay inuu dalka Raashiya ka qaadi doono...

Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka oo sheegay inuu dalka Raashiya ka qaadi doono Cunaqabataynta.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Times of London, wuxuuna qaadista xayiraadaasi shuruud uga dhigo inay Dowladda Raashiya marka hore oggolaato inay dib ugu soo laabato Wada-xaajoodkii dhimista Hubka Nukiyeerka. Maraykanka waxay Raashiya ku soo rogeen Cunaqabataynta, kadib, markii ay Ciiddanka Raashiya qabsadeen Gobalka Keremiya ee dalka Yukrayn. Trump oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Times of London, wuxuuna qaadista xayiraadaasi shuruud uga dhigo inay Dowladda Raashiya marka hore oggolaato inay dib ugu soo laabato Wada-xaajoodkii dhimista Hubka Nukiyeerka.

Maraykanka waxay Raashiya ku soo rogeen Cunaqabataynta, kadib, markii ay Ciiddanka Raashiya qabsadeen Gobalka Keremiya ee dalka Yukrayn.

- Advertisement -

Trump oo Jimcaha soo socoto la wareegi doona xilka Madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka ayaa tilmaamay inuu kor u qaadayo mudnaanta weyn ee xakamaynta Hubka Nukliyeerka, tan iyo markii ay Maraykanka iyo Raashiya ku kala boodeen Heshiiska cusub ee lagu yareynayo Hubka Istaraatijiyada leh.

Wareysiga uu Donald Trump siiyey Wargeyska The Times of London waxa kaloo uu si kulul u naqdiyey Siyaasadda Maraykanka ee haatan, isagoo sheegay in Qabsashadii Iraq ahayd Qabrigii qaladka ee ugu weynaa Taariikhda Maraykanka in dhagxaan lagu tuuro Hoy Shinni leedahay.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku naqdiyey Tallaabadda ay Dowladda Raashiya ku faragelisay Dagaalka sokeeye ee dalka Syria, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo aad u qaldan oo horseeday sii-xumaynta Xaalladda Aadminimo ee dalkaasi.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts