Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamuud Axmed Maxamed (Mire).
Sidoo kale Maxamuud Mire ayaa bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Arimaha Bulshada ee Gobolkaas Cumar Maxamud “Cumar Carrabey” oo qarax lagu dilay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.