Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii  Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada Maamulkaas Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Ilyaas Saciid Cali, isagoo bedelaya Ugaas Xasan.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batrooka Koonfur Galbeed oo laga dhigay Suleeyman Shubeyb Cali, wuxuuna bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas.

Ugu dambeyn Wasiirada Cusub ee la Magaacabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, halka kuwii horey looga mahadceliyay shaqadii ay soo qabteen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Warfaafinta Koonfur Galbeed ay tahay, kadib markii laga duubay Cod sir ah oo dhaliil ugu jeedinayo Madaxweyne Lafta-gareen, kaasi oo lagu faafiyay baraha Bulshada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka Codka ka duubay Ugaas Xasan ay ka socdeen Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, sidaasina uu xilka ku waayay Ugaas Xasan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media