Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay magacaabay Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeeno cusub oo kamid noqonaya Maamulkiisa, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Maxamed, Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay Cabdullaahi C/raxmaan Ibraahim Baardheere.

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha Maamulka ayaa waxaa laga dhigay Mukhtaar Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud ee Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay Maxamed Carmo Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Axmed Maxamed Aadan u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Bay’ada iyo Duur-joogta iyo Muxyadiin Xaaji Caddow oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa faray Wasiirada cusub ee uu magacaabay inay si dhaqsi ah xilka ugala wareegaan Wasiiradii xilalka laga qaaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor