Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta kusii jeeda Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ahna caasimadda Maamulkaas.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu casuumaad ka helay dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona kulamo ku yeelan doona Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Deni ayaa ka wadatashan doona arrimo kala duwan, isla markaana iska xog-wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimo la xiriira dowladda Federaalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yimid magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,isaga oo saacado kadib ku laabtay Puntland,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor