Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku wajahan Degmada Waajid

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Degmada Waajid ee Gobolka Bakool uu tago Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa safarka uu ku tego Waajid ayaa waxaa ku wehlinaya Madax ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta halkaas ay gaaraan.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha  ayaa saakay laga dareemayaa Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga Magaalada, iyadoona Wadooyinka lagu arkayo Ciidamo gaar ah.

Sidoo kale waxaa shalay degmadaas gaaray Wafdi hordhac u ah Safarka Lafta-gareen waxaana wafdigaas hogaaminaayay Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed, waxaana xalay uu kulamo kala duwan uu la qaatay Bulshada ku dhaqan Waajid.

Ujeedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee Degmada Waajid ayaa ah sidii uu qiimeyn uga soo sameeyn lahaa xaalada guud ee deegaanka, isagoo la kulmi doona qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan halkaas iyo maamulka Degmada.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Lafta-gareen uu ku tagayo Waajid tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media