Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmo uu ku fatahay Wabiga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen  fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.

Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda

Comments
Loading...