Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo shalay soo gaaray Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati guduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona loo gabiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shalay Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Labada dhinac Dr. Mutlaq Al-Qahtani iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka, marxalada kala guurka iyo qabsoomida doorashooyinka dhaceysa Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday Mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ka fulineyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor