Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Amar siiyay Ciidamada amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa Maanta Kormeer ku tagay Taliska Booliska Degmada Baydhabo.

Ujeedka ayaa ahaa wax ka ogaanshaha Shaqada Booliska ay uhayaan Shacabka iyo sidii loogu Dhiira gelin lahaa sidii Shaqadooda ay u kordhin lahaayen.

Waxaana Madaxweynaha uu mid mid u booqday Qeybaha kala Duwan Xafiisyada sida Taraafikada ,Minishiimbiyada,Turbataariyada, iyo Kuwa AMISOM Qeybta Booliska ay Ku leeyihiin Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinaayey Wasiiro, Saraakiisha Ciidanka Booliska Mileteriga Iyo Kuwa AMISOM gaar ahaan Secter.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ku amaaney, sida ay u sugeyaan Amniga Magaalada , waxana Ciidamada farey in aad sii laba Jibaartaan Sugida Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media