Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay Soomaaliya cagta saartay Dhabaha Soo-kabashadda Buuxda.

Wasiirkii Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda aan

weli xilka wareejinin, C/salaam Cumar Hadliye waxa uu shalay u

gudbiyey Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Farriin Qoraal oo uu ugu

soo dhiibay Madaxweyne Farmaajo.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inuu Mdaxweyne Uhuru sheegay inay

Doorashadda Somalia dib u soo cusbooneysiisay rajadda dadka

Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka sida ay Somalia cagta u saartay

dhabaha Soo-kabashadda Buuxda.

Waxa uu Soomaalida ugu hambalyeeyey Doorashadda ku dhacday si nabadda

ah iyo in la hiigsanayo Jihadda Toosan ee Somalia.

Hadalka Madaxweyne Uhuru ayaa yimid labo isbuuc oo aysan Dowladda

Kenya ka gaabsatay Doorashadda Madaxweyne Farmaajo, mana kala cadda

sababaha aysan Madaxweyne Farmaajo ugu soo hambalyeeynin

Doorashaddiisa.

Dhinaca kale, Faahfaahin lagama bixin Qoraalka Madaxweynaha Kenya la

gaarsiiyey, balse waxaa loo badinayaa inay ku xiriirsanayd Madaxweyne

Uhuru oo lagu casuumay inuu ka soo qeyb galo Munaasabadda

Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo oo dhici doonta bishan February

22-da.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media