Madaxweynaha Kenya oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay weerarkii Nairobi

Uhuru Kenyatta oo ka hadlay Warbaahinta dalkiisa waxa uu shaaciyey in la soo gebegebeeyey Hawlgalkii  ay Ciiddanka Ammaanka  kula galeen Dagaalamayaal  ka tirsan Xarakadda Alshabaab gudaha Dhismaha Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Galbeedka Nairobi.

Waxa uu sheegay in la wada dilay xubihii Alshabaab ee ka dhex dagaalamaysay Hotelkaasi tan iyo galabnimadii shalay, balse, ma uusan sheegin tirada Dagaalamayaasha Alshabaab ee gudaha u galay  Dhismaha Dusit Complex.

Madaxweynaha Kenya waxa uu tilmaamay in 14 qof ku geeriyootay iska horimaadkaas, isagoo dhanka kale u mahad celiyey Hay’addaha Ammaanka ee sida degdega ah uga fal-celiyey weerarkii Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu carrabka ku dhuftay inay daba-geli doonaan, soona qaban doonaan qof kasta oo maalgeliyey, qorsheeyey ama fuliyey ficilkaas foosha xun, waa sida uu hadalka u yiri.

Wuxuuna intaasi ku daray inay dadkaasi kaga daba tegi doonaan meel kasta oo ay tagaan, ilaa lagala xisaabtami doono.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ilaa shalay galab ka dhex socda Dhismaha weyn ee Hotelka Dusit Complex ee ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor