Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Brian Neubert

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen ) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Gudaha Safarada dowladda Mareykanka kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Brian T.Neubert

Waxaana ay wada waateen Shir Saacado Socday oo looga hadlayey Sidii dowlada America ay uga Qeybqadan lahayd Arimaha Dib u dhiska Hay’addaha dowliga.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Danjire Brian T.Neubert ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeyey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Mareykanka sido kale shirka inta uu socday waxaa la iskula soo hadal Qaaday sidii Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loo Kordhin lahaa Loogana saari lahaa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media