Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta daah-furay Shirka Maaliyadda dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furay Shirka Shirka arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo u dhexeeya asaaradaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galeya Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo dhamaan Wasiirada Maaliyada dowlad Goboleedkada dalka.

Inta uu socdo Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Maaliyadda dalka Soomaaliya iyo sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul Goboleedyada, iyadoona Shirkan uu qeyb yahay shirarka ay soo qaban qaabiso Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir C/raxamaan Ducaale Beyle ayaa bulshada ku nool Jubbada Hoose ugu baaqay inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay Gobolka, isla markaana ay hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo wax loogu qabanayo shacabka Jubbooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media