Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda IOM

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM ayaa gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo baxa Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ayuu yiri Madaxweynu.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida kashaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Sanadahii lasoo dhaafay kasoo xaroonayay Al-Shabaab isla markana ka tanaasulayay  Figradahaas kuwaas oo dhaqan celin loogu sameeyay Magaalada Kismaayo kadibna shaqo abuur loo sameeyay si ay Nolosha caadiga ah dib ula qabsadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media