Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay booqasho ku joogeen Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,xubno ka tirsan labada Golle ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Muqdisho u tegay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga jiray ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo, isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam ayaa markii uu dib laabtay Kismaayo la kulmay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa soo kabashada Soomaaliya gaar ahaan Nabadgalyada iyo hormarinta iyo Xaaladaha Geeska Afrika ka taagan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media