Madaxweynaha Jubbaland oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka Ee Kismaayo”Sawiro”

Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Saldhiga Magaalada Kismaayo oo hada Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta isgaarsiinta Ciidamada Booliska iyadoo Madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muqdisho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay sida ay saaka ku waabariisteen iyo xaaladaha guud ee Magaaloyinkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.

Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi barista iyo qaybta mando musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ahana Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah wuxuuna cusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso Xasiloonidii Dalka.

Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka Ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.

——DHAMAAD—–

S09A0501 S09A0334 - Copy S09A0357 - Copy S09A0389 - Copy S09A0408 S09A0410 - Copy S09A0412 - Copy S09A0414 - Copy S09A0422 - Copy S09A0423 - Copy S09A0429 - Copy S09A0433 - Copy S09A0436 - Copy S09A0437 - Copy S09A0442 S09A0444 S09A0446 S09A0448 S09A0488 S09A0490 S09A0496

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor