Madaxweynaha Jubbaland oo balan qaad cusub sameeyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Ciidanka Booliska soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda sanad-guurada 75aad ee Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in awooda Booliska oo la xoojiyo ay wax badan ka tarayso nabadgalyada wadanka gaar ahaan falal danbiyeedyada ka dhaca Magaalooyinka isagoo ku booriyay dhamaan dhinacyada tageera Soomaaliya in wadanka laga gacan siiyo dhismaha ciidamo adag oo Boolis ah.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in Ciidanka Boolisku ay yihiin Saxiibka shacabka loogana baahan yahay in ay Bulshada saxiib dhow la noqdaan oo ay u kuur galaan Noloshoodo iyo wacyiga ay mar walba ku sugan yihiin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka sheekeeyay waayahii hore iyo sida sumcada ciidanka Boolisku u ahayd mid lagu daydo isla markana hada la doonayo in midaas lasoo celiyo oo ciidanka Boolisku ay noqdaan kuwo lagu soo hirto.

Gaba gabada Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidanka Booliska Jubbaland meel walba oo ay joogan isagoo sheegay in tayo ahaan iyo tiro ahaanba la kordhin doono si ay u xaliyaan mushaakiladka iyo shaqooyinka uu Boolisku leeyahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor