Madaxweynaha Jubbaland iyo wufuud kale oo Maanta tegaya Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta Isniin ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlin doono xubno ka tirsan maamulkiisa, iyagoona daqiiaqado kahor kasoo ambabaxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, iyagoona kusii jeeda Garoowe.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland ayaa laga dareemayaa Caasimadda Puntland, waxaana halkaas uu Axmed Madoobe uga qeyb geli doonaa Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage.

Inta uu ku sugan yahay Garoowe ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galaya Shirkaas, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socda ayaa ku sugan Garoowe, waxaana shalay halkaas gaaray qaar kamid Musharaxiinta iyo xubno kale, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media