Madaxweynaha Jabuuti oo booqasho ku imaanaya Muqdisho iyo Waddooyinka oo xiran

Waxaa saakay xiran dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyada oo lagu soo waramayo in Muqdisho ay booqasho ku imaan doonaan wefdi heer sara ah oo ka socda dalka Jabuuti,iyada oo diyaar garowgaas si weyn looga dareemayo saakay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho,waxaana la xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana la arkayay boqolaal shacab ah oo lugaynaya jidadka halbowlaha ah ee magaalada.

Madaxweynaha dalka Jabuuti lama shaacin waqtiga ay qaadanayso booqashadiisa Muqdisho hase’ahaatee waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Smalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media