Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu Soodhweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa u yimid sidii uu uga qayb gali lahaa shirka Maanta furmaya, waxaana ka qayb galaya Madaxda Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya oo loogu yeero dalalka safka hore, marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro Alshabab.

waxaana inta uu socdo shirkani diiradda lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Masiirka ATMIS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor