Madaxweynaha Iiraan oo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalata haddii ay Maraykanka joojiyaan Shidaalka ay Iiraan dhoofiso

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inay khatar ku imaan karto Shidaalka laga soo saaro Mandiqadda, haddii ay Isbahaysiga Mraaykanka joojiyaan Shidaalka ay Iiraan ka iibsadaan.

Xasan Ruuxaani waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlay Qurbo-joogta Iiraan ee ku nool dalka Switzerland, wuxuuna xusay inay Maraykanka ku hanjabeen inaysan Iiraan u oggolaan doonin Dhoofinta Shidaalka.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani faahfaahin kale ma bixinin, inkastoo ay Iiraan horey ugu hanjabtay inay xiri doonaan Gacan-biyoodka HORMUZ-ka oo ay ka gudbaan 3 duleel oo hal shidaalka laga isticmaalo Caalamka

Iiraan waxay kaalinta 2-aad kaga jiraan dalalka dhoofiya Shidaalka, waxayna maalin kasta soo saaraan in ka badan 2 million oo Fuusto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media