Madaxweynaha Hirshabeelle oo War kasoo saaray Sarkaal Qarax lagu dilay

Mdaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qarax miino oo gelinkii dambe ee Maanta lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka oo lagu magacaabi jiray Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray dhamaan Qoyskii Qaraabadii Asxaabtii iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u Naxariistee Marxuum Yaasiin Cabdi oo qarax lagula beegsaday duleedka degmada Balcad.

Sidoo kale Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa tuulada Gololeey ee duleedka degmada Balcad lagula eegtay gaari uu la socday Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow, isagoo qaraxaas ku geeriyooday, halka Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle iyo degmada Balcda ayaa waxaa dhowr jeer horey uga dhacay weeraro lagu dilay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor