Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta kulan la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee looga saarayo Al-shabaab o qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka guddoomay dhambaal tacsi ah kadib qaraxyadii shalay ay Al-shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle kaga mahadceliyay Safiirka, taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa looga hadlay xoojinta  doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, taageerada horumarineed iyo Nabadeynta deegaanada Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor