Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta daah-furay Shir dib u heshiisiineed

Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta Magaalad Jowhar ka daahfuray Shirka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmartay deegaanka burdheere ee degmada Cadale.

Shirkaan nabadeynta waxaa ka soo qeyb galay Xubnaha labada gole ee Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Drexe, Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Somaliyed, nabadoonada, culimada, iyo Aqoonyahanada  beelaha Walaalaha ee Colaad dhextaalay muddo fog.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta iyo soo afjarida colaadaan daba-dheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.

Madaxwaynaha ayaa goobta ka sheegay muhiimada uu shirkaan u leeyahay awgeed uu uga baaqday casuumaad uu ku tagi lahaa Garoowe, isagoo sheegay inuu ka doorbiday Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ee wada dega degmada Cadale.

Shirka Maanta uu daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa waxaa uu socon doonaa sida uu qorshahu yahay inta xal waara looga helayo Colaada in muddo ka dhex jirtay beelo ku dagaalamay degmada Cadale ee Sh/Dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media