Madaxweynaha Hirshabeelle oo fariin u diray Guddiga Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Booqday xarunta Wacyigalinta Caabuqa Coronovirus ee Magaalada Beledweyne isagoo u kuur galayay Xaaladda xarunta iyo baahiyaha ka jira,

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarah Mahamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Intaasi kaddib Madaxweyne Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 5 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media