Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe oo gaaray Degmada Cadale

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa Maanta safar dhinaca dhulka ku gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano kamid ah Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Cadale kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inuu yahay mid la xiriira dhagax dhigista Mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono degmada Cadale.

Sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka degmada Cadale iyo qeybaha kala duwan, isagoo kala hadla doona xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha ka jira degmadaas ee u baahan in wax la qabto.

Ammaanka guud ee degmada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Comments
Loading...