Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.
Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa Gobolka Hiiraan loogu Magacaabay guddoomiye Cusub kaas oo uu noqonayo Cabdulaahi Axmed Maalin Sufuroow.
In kastoo aan la ogeyn waxayabaha soo dedejiyey xilka qaadista gudoomiyihii Gobolka Hiiaran ayaa hadana waxaa maalmahaan Magaalada Baladweyne ka taagneyd isqabqabsi ku aadan qaabka Canshuur qaadista.
Hoos Ka Akhriso Wareegatda xilka qaadista guddoomiyihii gobolka Hiiraan.