Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dalwadda.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu berri ka furmo caasimadda.

Qoorqoor ayaa horay waxaa uu u tagay degaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana uu siyaabo kala duwan kulamo gaar gaar ah ula yeeshay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor