Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka AMISOM

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanka Galmudug.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Qoor-qoor iyo Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug, isla markaana looga hor tegi lahaa falalka amni darro.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab si loogu soo dabaalo Amni iyo Cadaalad oo ay helaan dhammaan shacabka reer Galmudug.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa maalmo kahor kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Galmudug, isagoona kala hadlay ddardar-gelintan sugida amniga Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media