Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay geeridii Xildhibaan Axmed Galti

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas oo ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray qoyskii, qaarabadii, Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf  oo xanuun haayay ugu geeriyooday Isbitaalka Difeer ee Muqdisho

“Waxaan tasci tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo geeriyooday, waxaa Allaah uga baryeynaa in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiy” ayuu yiri Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu hadkiisa sii raacsiiyay Madaxweynaha Galmudug “Samir iyo iimana Allaah hanaga wada siiyo dhamaan Ehelada, Asxaabta, shacabka Iyo Xildhibanada iyo Maamulka Galmudug”.

Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media