Madaxweynaha Galmudug oo hortegaya Aqalka sare ee dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta oo tallaado lagu wadaa inuu hortego Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu uga qeyb kulankooda.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad xasaasi ah ka jeedin doono Xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadli doono arrimo kala duwan, sida Arrimaha Galmudug, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka Aqalka Sare ayaa waxaa Senatarada Golaha ay su’aalo weydiin doonaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug, isagoona ka Jawaabi doona, sida uu qorshahu yahay.

Xalay ayaa waxaa Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, maadaama uu hortegayo Qoorqoor.

Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa horey u hortegay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoona Khubad ka jeediyay halkaas, una hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena la weydiiyay su’aalo dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media