Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor Qoor] aya duleedka magaalada Dhusa-mareeb waxa uu kula kulmay inta badan siyaasiyiintii mucaradsanaa doorashadiisa isga oo kala hadlay arrimo la xiriira hana qaadka maamulka Galmudug iyo isku soo dhaweynta dhinacayada isku khilaafsan Siyaasadda.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug,waxaana laf ahaantoodu ka hadleen sidii maamulka curdunka ah loola shaqeyn lahaa.
Axmed Cabdi Kaariye [Qoor Qoor] ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo Siyaasiyiintaan aqbalaadda gogosha logu gogol-xaarayo wixii khilaaf ahaa ee ka dhashay doorashada madaxweynaha Galmudug.
Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in ay isla garteen in meesha laga saaro khilaafka loona jaheystay dhismaha Galmudugta cusub,waxaana uu ugu baaqay shacabka Galmudug in ay qeybtooda ka qaataan.